Midowga Afrika oo QM ka dalbaday in cunaqabteynta hubka laga qaado Soomaaliya

Published: July 22, 2022
Midowga Afrika

Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo nabadda ee Midowga Africa Cabdi Maxamud Haybe oo Warbaahinta la hadlay kaddib kulan dhexmaray xubnaha Guddigaas ayaa sheegay in Wakiilada Qaramada Midoobay ay u bandhigeen sidii hub loo siin lahaa Ciidamada Soomaaliya & kuwa Midowga Afrika ee ATMIS.

Cabdi Maxamed Haybe waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in Soomaaliya laga qaado Cunaqabateynta hubka ah ama ugu yaraan laga khafiifiyo si ay u awooddo soo iibsashada hub ay kula dagaalanto Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Guddiga Amniga & Nabadda ee Midowga Afrika ayaa tilmaamay in Ciidamada Dowladda Federaalka & ATMIS ay heystaan hub lamid ah kan Al-Shabaab heystaan sidaas awgeed ay adag tahay in laga adkaado maadaama isku hub wada heystaan.

Howlgalka ATMIS ayaa qorsheeyay in howlgalka qaybta labaad ee Ciidanka Afrikaan ah ee laga baddelay Magaca AMISOM in uu fuliyo si Ciidamada Soomaalida loogu wareejiyo mas’uuliyadda amniga Dalkooda balse kahor waqtigaas la qaado guluf ka dhan ah Al-Shabaab.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo taageera Ciidamada Dowladda Federaalka & Kuwa Midowga Afrika ayaa looga fadhigaa in uu dib u qiimeyn ku sameeyo xaaladda amni ee Soomaaliya, cunaqabateynta hubka ee saaran & codsiyada kala duwan ee arrimahaas la xiriira.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *