Midowga Musharaxiinta Oo Booqday Taalada Daljirka Daahsoon

Published: February 18, 2021

Midowga Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya 2021 ayaa galabta booqday taalada Daljirka Daahsoon oo maalinimada Jimcaha ee berri lagu wado inuu ka dhaco banaanbax looga soo horjeedo madaxweynaha xilku ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shiikh Shariif Sh. Axmed oo warbaahinta kula hadlay taaladda Daljirka ayaa ugu baaqay shacabka Muqdisho inay ka qayb qaataan banaanbaxa berri.

“Mudaaharaadka waa mid nabadeed waa mid lagu xoojinayo amniga,madaxweynaha waqtigiisa waa dhamaaday waxa uu ka mid yahay musharaxiinta cid colaad gaar ah u qabta ma jirto.”

Shiikh Shariif

Hogaanka Midowga Musharaxiinta oo degay hotel Naasahablood2 oo ku dhow daljirka ayaa dadaal xoog leh ku bixinaya qabsoomida banaanbaxa Jimcaha, xili ay dowlada federaalku amartay in la joojiyo kulamada waaweyn ee bulshadu isugu imaanayso maadaama uu soo labakacleeyey COVID19.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Waxaan ku nool america waa taageeray bananabaxa midowga musharixiinta. Anigo ku Hadlaya magaca Puntland Qurbaha iyo kaygaba.