Midowga Musharaxiinta Oo Ka Horyimid Jadwalka Guddiga Doorashooyinka

Published: December 23, 2020

Golaha midowga musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya 2021 ayaa ka horyimid jadwalka doorashada aqalka sare iyo golaha shacabka oo ay soo saareen guddiga lagu muran ee doorashooyinka heer federaal.

War qoraal ah oo kasoo baxay midowga musharaxiinta ayaa sharci darro loogu tilmaamay jadwalka lagu iclaamiyey doorashooyinka heer federaal ee aqalka sare iyo golaha shacabka.

Goluhu wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, dowlad goboleedyada, bulshada rayidka iyo beesha Caalamka in Madaxweyne Farmaajo u aqoonsadaan Qasawade, iyagoo sheegay in ficiladiisu ay halis gelinayaan nabadda iyo xasilloonida dalka.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *