Midowga Yurub oo ku baaqay hakinta dagaalka Gaza

Published: November 14, 2023
Shares4

Midowga Yurub, Wasiirada arrimaha dibada oo isniintii kulmay ayaa ku baaqay in la hakiyo si deg deg ah dagaalka Gaza.

Baaqa kasoo baxay Wasiirada Midowga Yurub ayaa ah kii labaad, balse markan ayey sheegeen in deg deg loo hakiyo dagaalka.

Israel ayaa horey dhegaha uga fureysatay baaqyada caalamka ee joojinta duqeynta Gaza oo ay ku dhinteen ugu yaraan 11.200 qof.

Wafdi ka socda Midowga Yurub ayaa lagu wadaa todobaadka soo socda inuu booqdo dalalka Barriga Dhexe.

Horseed Media