Midowga Yurub oo meelmariyey heshiiska dib u habaynta socdaalka iyo magangelyo doonka

Published: April 11, 2024
Shares62

Wada xaajood qaatey muddo 9 sanadood ah kadib, baarlamaanka Yurub ayaa ansixiyay dib u habeyn weyn oo lagu adkeynayo sharciyada socdaalka iyo magangalyada ee dalalka Midowga Yurub.

Heshiiska magangalyada iyo socdaalka ee Midowga Yurub waxaa laga soo shaqeynaayey ilaa 2015. Waxa uu dhaqan gelayaa muddo laba sano ka dib.

Waxaa loogu talagalay in lagu dedejiyo hannaanka magangalyada iyo in kor loogu qaado in laga hortago muhaajiriinta caadyestey in ay hadba dal Midowga Yurub aH iska dhiibaan oo magangelyo weydiistaan, sidoo kale heshiiska ayaa culeyska ka dulqaadaya dalalka loo yaqaan safka hore.

Midowga Yurub waxa uu sheegay in heshiiska lagu daray “wada jirka khasabka ah” ee u dhexeeya dalalka xubnaha ka ah Midowga. Inkasta oo qaar ka mid ah dawladaha EU-da ay weli diidan yihiin qaybo ka mid ah heshiiska, haddana waxa la filayaa in la helo oggolaansho dhammaystiran dhammaadka bisha Abriil iyada oo loo marayo codayn aqlabiyad ah.

Sida ku cad xeerarka la soo jeediyay, 27-ka waddan ee Midowga Yurub ayaa looga baahan doonaa inay qaataan kumanaan muhaajiriin ah oo yimid dalalka “safka hore”, sida Talyaaniga, Giriiga iyo Isbayn, ama ay bixiyaan dhaqaale dheeraad ah oo dalalkaas la siiyo.

Heshiisku waxa kale oo uu dhigayaa in magangelyo-doonka “fursadahooda aqbalaadu hooseyso” ay tahay in si degdeg ah loo baaro, iyada oo aan khasab ahayn in loo oggolaado codsadaha dhulka Midowga Yurub.

Heshiisku waxa kale oo uu hiigsanayaa in uu wax ka qabto codsiyada magangalyada ugu badnaan laba bilood gudahood. Haddii la diido, magangelyo-doonku waa in si khasab ah loogu celiyo waddankoodii isla muddadaas.

Muhaajiriinta waxaa lagu qaadi doonaa nidaam baaris adag oo horudhac ah todoba maalmood gudahood, kaas oo ay ku jiraan aqoonsiga iyo hubinta caafimaadka iyo amniga.

Xogta biometric ee muhaajiriinta da’doodu tahay lix jir ama ka weyn waa la ururin doonaa waxaana jiri doona hab looga jawaabo kororka degdega ah ee soogalootiga.

HORSEEDMEDIA