Mike Johnson oo loo doortay Guddoomiyaha Kongareeska Mareykanka

Published: October 26, 2023

Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa Arbacadii u doortay afhayeenkooda Mike Johnson oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, oo ah xildhibaan aan khibrad badan u lahayn hoggaaminta, isla markaana kamid ahaa xubnihii gadoodka ka sameeyey natiijadii doorashadii 2020.

Codbixinta ayaa u dhacday 220 oo taageeray iyo 209 diidmo ah, taasi oo guusha raacsiisay Xildhibaan Johnson oo ah 51 jir.

Doorashada guddoomiyaha ayaa soo afjareysa 3 asbuuc oo uu golahaasi jahwareer ku jiray, tan iyo markii guddoomiyihii hore Kevin McCarthy xilka laga tuuray 3-dii Oktoober, kadib markii ay kacdoon ku sameeyeen koox yar oo ka tirsan xisbigiisa Jamhuuriga oo ka cadhooday heshiis uu la galay Dimuqraadiyiinta ee ansixinta miisaaniyada dowlada oo ah qodobada ugu waaweyn ee golaha hada horyaal.

Horseed Media