Mike Pence oo isaga haray Tartanka doorashada Madaxweynaha Maraykanka

Published: October 29, 2023

Madaxweyne ku xigeenkii hore Mike Pence ayaa Sabtidii ka tanaasulay u tartamida musharaxnimada xisbiga Jamhuuriga, isagoo soo afjaray ololihiisa Aqalka Cad ka dib markii uu waayey inuu helo taageero fiican iyo waliba dhaqaalaha ololihiisa.

“Way ii caddaatay: Hadda maaha waqtigeyga,” Pence ayaa ka yiri shir sannadeedka Isbahaysiga Yuhuudda maalgelisa xisbiga Jamhuuriga oo ka dhacay magaalada Las Vegas.

Pence waa musharrixii ugu horreeyay ee weyn ee ka baxa tartanka oo uu hada dhinaca Jamhuuriga uu hogaaminayo Madaxweynihii hore Donald Trump, oo ay hada taageeraan inta badan dadka u codeeya xisbigaas Jamhuuriga.

Horseed Media