Milateriga Niger oo ku eedeeyay Faransiiska inuu soo wado ciidamo cusub oo ‘faragelin’ ah!

Published: September 10, 2023

Hogaamiyayaasha afgambiga Niger ayaa ku eedeeyay Faransiiska in uu ciidamo, agab dagaal iyo qalab uu ku ururiyay dalal badan oo dariska la ah ee Galbeedka Afrika iyaga oo ujeedadoodu tahay “faragelin militari”.

niger junta

Xidhiidhka Faransiiska iyo dalkii uu horey u gumaysan jiray ee Niger ayaa hoos u dhacay kadib markii Paris ay garab istaagtay madaxweynihii xilka laga tuuray ee Mohamed Bazoum kadib afgambigii July.

“Faransiiska waxa uu sii wadaa in uu ciidamadiisa geeyo dalal dhowr ah ee ECOWAS, taas oo qayb ka ah diyaarinta duulaanka gardarada ah ee ka dhanka ah Niger, kaas oo ay qorsheynayso iyada oo kaashanaysa ururkan ECOWAS,” ayuu yiri afhayeenka taliska Niger Colonel Major Amadou Abdramane.

Warka kasoo baxay Abdramane ayuu ku sheegay in Faransiiska uu diyaarado militari, helikobtero iyo 40 baabuur oo gaashaaman geeyay dalalka Cote d’Ivoire iyo Benin.

3-dii Agoosto, hogaamiyayaasha afgambiga waxay laaleen heshiisyo iskaashi militari oo dhowr ah oo ay Niger la gashay Faransiiska oo ay 1,500 askari ka joogaan dalkaasi.

France oo diiday inay aqoonsato nidaamka militariga ee Niger, ayaa sheegtay inaysan go’aankan tixgelineyn maadaama askarta Niger ee afgambiga sameeyey aysan qayb ka ahayn heshiisyadaas iskaashiga oo ay la galeen dowladii rayidka.

Nidaamka militariga ayaa dhanka kale ku adkeysanaya in ciidamada Faransiiska ay hadda “si sharci darro ah” ku joogaan Niger.

Horseed Media