Militariga Niger oo Faransiiska ku eedeeyey inay khal-khal gelinayaan amniga dalka Niger

Published: August 10, 2023

Hogaamiyeyaasha afgambiga ee Niger ayaa ku eedeeyay ciidamada Faransiiska inay sii daayeen “argagixiso” la qabtay oo ay jebiyeen xayiraadda hawada sare ee dalka iyagoo isku dayaya inay khalkhal geliyaan Niger, Faransiiska ayaa dhankooda iska fogeeyey eedeymahan.

Muuqaal la baahiyey Arbacadii shalay, afhayeenka militariga Col. Amadou Abdramane, wuxuu ku andacooday in Faransiiska uu sii daayay 16 “Argagixiso ah” kuwaas oo markaa isku soo urursaday inay qorsheeyaan weerar lagu qaado fariisimaha militariga Niger ee aagagga xaduuda.

Wuxuu ku andacoodey in cutub ka tirsan Ciidanka Qaranka lagu weeraray subaxnimadii deegaanka Bourkou Bourkou, oo qiyaastii 30km u jirta xarunta laga soo daaro macdanta dahabka ee Samiira oo ku taal gobolka Tillaberi.

Korneylka ayaa sidoo kale ku andacoodey in diyaarad milatari oo Faransiisku leeyahay ay jebisay xayiraadii hawada oo ay militariga Niger soo rogeen.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa diiday eedeymaha waxayna sheegtay in dhaq-dhaqaaqa diyaaradahooda ay qeyb ka ahaayeen heshiis hore oo ay la galeen ciidamada Niger, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Waxa ay sheegtay in ciidamada Faransiiska ee fadhigoodu yahay Niger ay halkaas ku joogeen codsi uga yimid maamulka sharciga ah.

“Weerar ka dhan ah xero Niger ma dhicin,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda ku tiri hadal ay soo saartay.

Sarkaal ka tirsan dowladda Faransiiska ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP “ma jiro wax argagixiso ah oo ay soo furteen ciidamada Faransiiska.”

Horseed Media