Militariga Niger oo sheegay inay iska difaaci doonan ECOWAS iyo Nigeria oo jaratay korontadii

Published: August 3, 2023

Hogaamiyihii afgambiga Niger ayaa shaaca ka qaaday in uusan u hogaansami doonin cadaadiska lagu saarayo in uu dib u soo celiyo madaxweynihii xilka laga tuuray ee Mohamed Bazoum, isaga oo dhaliilay cunaqabateynta ay soo rogeen hogaamiyayaasha galbeedka Afrika oo uu ku tilmaamay “sharci darro” iyo “mid bani’aadanimada ka baxsan” wuxuuna ku booriyay muwaadiniinta dalkiisa inay u diyaar garoobaan difaaca qarankooda.

Hadalka General Abdourahamane Tchiani, ayaa lagu soo beegay iyadoo madaxda Militariga dalalka Ururka Dhaqaalaha Galbeedka Afrika (ECOWAS) ay ku kulmeen dalka deriska la ah ee Nigeria si ay uga wada hadlaan xaalada Niger.

Isbaheysiga gobolka ayaa cunaqabateyn dhaqaale oo adag ku soo rogay Niger, waxaana ay ku hanjabeen in ay awood adeegsan doonaan haddii aan la soo celinin dowladii rayidka kahor 6-da Agoosto. ECOWAS ayaa sidoo kale u diray Niger wafdi uu hoggaaminayo hoggaamiyihii hore ee Nigeria Abdulsalami Abubakar, si ay ulla xaajoodaan askarta xukunka la wareegtay.

Dhinaca kale, Nigeria ayaa jartay korantadii ay siin jirtay Niger Arbacadii shalay, tilaabadan oo qeyb ka ah cunaqabateynta ECOWAS.

Niger ayaa kamid ah dalalka ugu saboolsan adduunka waxayna ku tiirsan tahay dhanka Tamarta oo 70% ka helaan dalka jaarka la ah ee Nigeria.

Horseed Media