Militariga Niger oo xirtay hawada kadib markii ay dhamaatay waqtigii ay u qabatay ECOWAS

Published: August 7, 2023
Shares16

Hogaamiyayaasha afgambiga militari ee Niger ayaa xidhay hawada dalkaasi kadib markii ay diideen amarkii ka soo baxay wadamada Galbeedka Afrika (ECOWAS) oo ahaa in dib loo soo celiyo madaxweynihii xilka laga tuuray ee Mohamed Bazoum ama ay wajahaan faragelin militari.

Amadou Abdramane, oo ah afhayeenka militariga, ayaa sabab uga dhigay xiritaanka hawada khatarta faragelinta milatari ee ka imanaysa Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika (ECOWAS).

War qoraal ah oo laga akhriyay telefiishanka qaranka ayuu Abdramane ku sheegay in ay jireen ciidamo horudhac ah oo la geeyay laba dal oo Afrikada dhexe ah, kuwaas oo isku diyaarinaya faragelin, balse ma uusan bixin faahfaahin.

Talaabadan oo lagu dhawaaqay galinkii dambe ee Axadii, ayaa timid iyadoo tobanaan kun oo taageerayaasha afgambiga ah ay isugu soo baxeen garoon ciyaaraha ee caasimadda Niamey, si ay u taageeraan jeneraalada la wareegay awooda.

Dhinaca kale dalalka Aljeeriya iyo Chad ayaa ku biiray wadamada kasoo horjeeda in faragelin militari lagu xaliyo xiisada Niger, horey ayey wadamada Burkina-Faso iyo Mali u sheegeen inay garab taagan yihiin ciidamada & shacabka Niger.

Axaddii shalay ayey ku ekayd todobaadkii uu urur gobaleedka ECOWAS u qabtay militariga Niger inay xilka dib ugu wareejiyaan dowladii Rayidka ahayd, maalmihii lasoo dhaafay ayey kulamo u socdeen Talisyada ciidamada ECOWAS oo ka munaaqashoonayey farogelinta militari ee laga cabsi qabo inay la beegsadaan Niger.

Horseed Media