Morocco: Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka Bankiyada Dhexe ee Aduunka      

Published: May 20, 2023

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysey mudo 32 sano ah kadib ka qeyb galay shirka sanadlaha ah ee Global Payment Week 2023 (GPW) oo sandakan lagu qabtay magaalada Marrakesh ee dalka Morocco.

Waxaa shirkaas soo qaban qaabiyo Bankiga Aduunka waxaana ka soo qeybgalay Bankiyada Dhexe ee Aduunka iyadoo lagu soo bandhigo teknologiyada cusub ee Hanaanka Lacag Bixinta aduunka. 

Soomaaliya oo ku guuleysatay hirgelinta Hanaanka lacag Bixinta Qaran waxey sidoo kale halkaas ugu qeyb gashay  dood ay qeyb kahaayeen Bankiga England, Bankiga European Union, Mexico iyo Oman, waxaana lagu soo bandhigay doodaas Guulaha Soomaaliya ka gaartey hirgelinta mashruucan.

Shirkan Bankiga Dhexe ee Soomaaliya waxaa ku matalayey wafdi uu hor kacayo  Agaasimaha Sare ee Lacagta iyo Howsha Bankiga Axmad Xundubey iyo qaar ka mid ah howl-wadeenada Hanaanka Lacag Bixinta Qaranka.

Horseed Media