Moscow: Ganacsade caan ah oo ka soo dhacay daaqada isbitaal lagu daweynaayey oo dhintey!

Published: September 1, 2022

Ravil Maganov ayaa madax ka ahaa shirkadda ugu weyn ee saliidda ee gaarka loo leeyahay ee Ruushka, Lukoil, taasoo dhaleecaysay duulaanka Ukraine

Ravil Maganov with putin
Ravil Maganov oo la sawiran Vladamir Putin

Sarkaal sare oo ka tirsan shirkadda saliidda ee Ruushka ayaa dhintay ka dib markii uu ka soo dhacay daaqadda cisbitaalka Moscow, bilo ka dib markii shirkaddiisu ay dhaleecaysay duullaanka Ruushka ee Ukraine.

Ravil Maganov, oo ah guddoomiyaha guddiga maamulka Lukoil, oo ah shirkadda ugu weyn ee saliidda gaarka loo leeyahay ee Ruushka, ayaa “ka soo dhacday daaqadda isbitaalka dhexe”, wakaaladda wararka ee Interfax ayaa qortay Khamiistii, iyadoo soo xiganeysa ilo kala duwan. “Wuxuu u dhintay dhaawacyo soo gaaray.”

Shirkadda Lukoil ayaa sheegay in Maganov “uu u dhintay xanuun daran ka dib”. Shirkadu ma aysan sheegin waxa Maganov lagu daweynayay.

Ilaa hadda ma cadda in dhimashadiisu ay tahay shil, is-dil, iyo in ay sababtay khaarijin. Wakaaladaha warbaahinta dowladda Ruushka oo soo xiganaya ilo aan la magacaabin ayaa sheegay in Maganov la dhigay isbitaalka isagoo qaba xanuun dhanka wadnaha ah oo uu ku jiray dawooyinka xanuunka niyad-jabka (depression)

Baza, oo ah mareegaha wararka ee Ruushka oo xiriir dhow la leh booliska, ayaa soo daabacdey in laga yaabo inuu ka soo dhacay balakoonka xili uu sigaar cabbayey, mana jirto wax CCTV ah oo la heli karo sababtoo ah kamaradaha ayaa loo damiyay si dayactir loogu sameeyo.

Dhinaca kale, wakaaladda wararka ee dawladdu maamusho ee TASS ayaa Khamiistii sheegtay in Maganov uu is-dilay, iyadoo soo xiganaysa ilo ka tirsan laamaha ammaanka ee Ruushka oo dilka Maganov ku tilmaamay “is-dil”.

Nus darsin ganacsato ah oo xiriir la leh warshadaha tamarta Ruushka ayaa ku dhintay isdil muuqda ama xaalado dahsoon tan iyo markii uu dagaalka Ukraine ka qarxay.

Dhimashada Maganov ayaa soo jiidatay xiiso gaar ah, sababtoo ah shirkadda Lukoil wuxuu ahaa naadir ka mid ah shirkadaha tamarta ee Ruushka ee dhaleeceeyey duulaanka Ukraine, iyagoo si cad ugu baaqay xabbad-joojin hal toddobaad uun ka dib markii Vladimir Putin uu ku dhawaaqay bilowga “howlgalka milatari ee gaarka ah” sida Mosow u taqaan dagaalka ay Ukriane ku hayso.

“Waxaan ku baaqeynaa in sida ugu dhaqsaha badan loo joojiyo iskahorimaadka hubeysan, waxaan muujineynaa naxariistayada daacadda ah ee dhammaan dhibanayaasha ay saameysay masiibadan,” ayay yiraahdeen guddiga maamulka shirkadda Lukoil. “Waxaan si adag u taageernaynaa xabbad-joojin waarta iyo xallinta dhibaatooyinka iyada oo loo marayo wadahadal dhab ah iyo diblomaasiyad.”

shirkadda Lukoil.

Maganov wuxuu ahaa xubin caan ah oo ka tirsan ganacsatada Ruushka. Waxa uu xidhiidh dhow la lahaa mid ka mid ah aasaasayaashii Lukoil, Vagit Alekperov, wasiirkii hore ee saliidda ee Soofiyeedka kaas oo iska casilay jagadiisii ​​maamulaha guud wax yar ka dib markii UK iyo EU ay cunaqabatayn ku soo rogeen.

Maganov waxa uu ka soo shaqeeyay Lukoil ilaa 1993 waxana uu kormeere ka ahaa qaybaha sifaynta iyo sahaminta ka hor inta aan loo magacaabin gudoomiyaha golaha maamulka sanadka 2020.

Maareeyihii hore ee shirkadda Lukoil ayaa meydkiisa laga helay qeybta hoose ee guri ku yaal xaafad ka mid ah magaalada Moscow bishii May ee sanadkan. Baarayaasha ayaa sheegay in sababta horudhaca ah ee dhimashada ay go’aamiyeen in ay tahay wadne xanuun.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantey isla maanta oo Vladimir Putin uu booqday isbitaalka si uu u maamuuso Mikhail Gorbachev, hogaamiyihii ugu dambeeyay ee Midowga Soofiyeeti ee maalintii Salaasada geeriyoodey.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *