MOSCOW: Weerar lagu qaaday Tiyaatar oo lagu dilay 40 qof

Published: March 22, 2024
Shares38

Afartan qof ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday xarunta Tiyaatarka ee Crocus City Hall oo u dhow Moscow Jimcihii, wakaaladda wararka dawladda ee TASS ayaa werisay, iyadoo soo xiganaysa Hay’ada Amniga Federaalka ee Ruushka (FSB).

In ka badan 100 qof ayaa ku dhaawacmay weerarkan, waxaana goobtaasi qabsaday dab xoogan.

Weeraryahanada oo ku labisan dareeska militariga ayaa gudaha u galay dhismaha, waxa ay fureen rasaas, waxayna goobta ku tuureen bam gacmeed iyo qaraxyo kale oo keenay dabka halkaas ka dhashay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa dhacdada ku tilmaantay “weerar argagixiso”.

Madaxtooyada Maraykanka ayaa weerarka ku tilmaantay “fal xun” balse waxa ay sheegtay in aanay jirin wax calaamad ah oo muujinaya in uu xidhiidh la leeyahay dagaalka Ukraine.

Dowlada Ruushka ayaa iyadana sheegtay in haddii Maraykanku uu si dhab ah u og yahay in Ukraine aanay ku lug lahayn weerarkan, laga doonayo inay la wadaagto xog kasta oo ay hayso.

Horseed Media