Moscow: Xukuumada Ruushka oo markale xabsiga dhigtay Kumanaan shacab dhigay mudaharaadyo

Published: February 1, 2021

Dowlada Ruushka ayaa Axadii shalay markale xabsiga dhigtay shacabkii ka qeyb qaatay banaanbaxyo dowlada looga soo horjeedo oo ka dhacay qaar kamid ah magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.

In ka badan 5-kun oo qof ayaa la sheegay in ay booliiska xabsiga dhigeen shalay, magaalada caasimada Moscow ayaa dad lagu xiray la sheegay inay gaarayaan 1,608 qof.

Shacabka dhigaya mudaharaadyada Axad walba 3dii todobaad ee lasoo dhaafay ayaa kasoo horjeeda xariga hogaamiyaha mucaaridka dalkaasi Alexey Navalny oo la xiray bishii hore kadib markii uu dib uga soo noqday dalka Germany.

Taageeryaasha Navalny ayaa dhawaan shaaciyey filim looga hadlayo musuq maasuqa iyo hanti boobka Madaxweynaha Vladimir Putin iyo madaxda dalkaasi, isagoo ugu baaqay in shacabka Ruushka ee tabaaleysan ay sameeyaan kacdoon iyo mudaharaad ay shucuurtooda ku muujinayaan baaqaasi oo ay ka jawaabeen kumanaan kun oo shacab ah oo asbuucyadii lasoo dhaafay dhigayey mudaharaadyada ka curtay dalkaasi.

Filimka ay shaaciyeen Mucaaridka oo lagu baahiyey baraha internetka ayaa waxaa muddo kooban gudaheed ku daawaday in ka badan 106 milyan oo qof.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *