Al-Minhaaj iyo Gudiga Abaaraha Puntland oo Deeq Gaarsiiyay 1000 Qoys. (Sawiro+Muqaal)

Published: March 31, 2017

Mu’asasada Al-Minhaaj iyo gudiga gurmadka abaaraha ayaa qoysaskani abaartu sida wayn u saamaysay garsiiyay deeq isugu jirta raashiinka noocyadiisa kala duwan iyo waliba biyo, deeganada laga qaybiyay raashiinkan ayaa waxa kamid ahaa deegaanka Uusgure oo katirsan degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal iyo deeegaanka Dhudhub oo iyana ka tirsan degmada Bayla ee gobolka karkaar.

deeqdan oo ka timi Mu’asasada Salsabiil ee fadhigeedu yahay dalka Faransiiska ayaa waxa fulinteeda lahaa Mu’asasda al-minhaaj iyo gudiga abaaraha waxana deeqdan lagaarsiyay dadkii u soo hayaamay goboladan oo xiligani ku sugan xaalad adag oo u baahan gurmad deg deg ah.

Sh. Maxamed C/llaah Cabdule oo ah madaxa Mu’asasada al-minhaaj ee dacwada iyo barbaarinta ayaa sheegay in deeqahani isla xiligan laga qaybinay deegaano kale o ka tirsan Puntland kuwaso ay kamid yihiin Bursaalax iyo Gaalkacyo oo horay looga soo qaybiyay Maxamed C/llaahi ayaa sidoo kale xusay in Al-minhaaj ay dadaal dheer ugu jirto sidii loo samata bixin lahaa dadk ay abaruhu sameyeen.

Gudoomiyaha gobolka karkaar oo goob joog ahaa goobta Dhudhub ooo raashinka loogu qaybinayay reer guuraa farabadan iyo gudomiyaha degmada Dangoroyo oo isna goob joog ahaa deegaanka Uusgure ayaa 2duba ka mahadceliyay deeqdan lasoo gaarsiiyay reer miiga abaaruh ay sameyeen waxay kaloo Mu’asasada Al-minhaaj iyo gudiga abaaraha Puntland ku amaaneen dadaalka ay ugu jiraan sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ay abaaruhu saameyeen.

ugu dambayn gudoomiyaha gurmadka abaaraha Puntland Sh. Fuaad Maxamuud xaaji Nuur ayaa umada inta alle wax siiyay ugu baaqay inay walaalahooda u soo gurmadaan oo ay u istaagaan ka qaybqadashada gurmadka abaraha.

Mu’asasada al-minhaaj gudiga gurmadka abaaraha guoomiyaha gobollka karkaar iyo waliba Mu’asada Salsabiil ayaa aroornimadii jimcaha magalada qardho gudaheeda waxa ay ka qaybiyeen in ka badan 50 neef oo ari ah kuwaso ay qaleen islamarkana loogu talagalay in maalinta jimcaha hilib u noqto barakacyaaal farabadan oo ku dhaqan magalada Qardho.

Muuqaal:

Faaafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *