Mudaharaad lagu taageerayo Falastiin oo lala beegsaday Wasaarada Difaaca UK

Published: April 11, 2024

Koox u dhaqdhaqaaqa Falastiin ayaa rinji cas ku buufiyay xarunta Wasaaradda Difaaca UK ee London, si ay uga mudaaharaadaan hubka laga iibiyo Israel.

Talaabada wadajirka ah ayaa waxaa fuliyay xubno ka tirsan kooxaha falastiin Action iyo Youth Demand, kuwaas oo ugu baaqay labada xisbi ee Conservative iyo Labour in cunaqabatayn hubka ah lagu soo rogo Israel.

“Wasaaraddani wax ma difaacdo, ee way dishaa…Ma aqbaleyno sii socoshada mashruucan Xasuuqa iyadoo UK ay sii wado maalgelinta hubka Israel,” ayay tiri kooxda Youth Demand.

Kooxda Falastin Action ayaa iyaduna sheegtay in wasaaraddu difaaca UK ay siiso qandaraasyo qiimihiisu yahay boqolaal milyan shirkadda “Elbit Systems” iyo tababarada ciidamada Israel.

Shirkada Elbit Systems waa shirkada ugu weyn ee soo saarta hubka ee Israel, gaar ahaan 85% ee hubka dhulka iyo hawada ee ay isticmaalaan ciidamada Israel.

Dhanka kale, kooxda falastiin Action ayaa Arbacadii shalay bartilmaameedsatay shirkada Avnet ee Electronics-ka xarunteeda Waltham Park, Berkshire. Shirkadaasi oo qeybta “electronics ee hubka ka caawisa shirkada Elbit iyo qalabka diyaaradaha F-35 ee ay isticmaalaan ciidamada Israel.

Horseed Media