Muqdisho: 127 maxbuus uu cafis u fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh oo lasii daayay

Published: April 22, 2023

127 maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar iyo Xabsiga MBC ee Ex-control Afgooye, ayaa maanta lasii daayay, iyagoo dib u helay xoriyadooda.

Maxaabiistan ayaa la sii daayey kadib markii uu cafis u fadiyay madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud Munaasabadda Ciidda Awgeed.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa soo jeedin u sameeyay nadaxweynaha JFS in cafis madaxweyne lagu sii daayo maxabiista ku xukuman dambiyada fudud ee ku xirnaa xabsiga dhaxe ee Xamar iyo xabsiga MBC ee KM7.

Madaxdweyne Xasan Sheekh ayaa Sanad waliba cafis Madaxweyne u fidiya maxaabiista ku xiran Xabsiyada ku yaalla Dalka.

Cafiskaan ayaa ku soo aadaya xilli maalinyii shaley aheyd loo dabaal degay munaasabadda Ciidul fidriga.

Horseed Media