Muqdisho: Booliiska oo fashiliyey qarax la dhigay degmada Warta-Nabadda

Published: December 1, 2020

Booliiska magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay gacanta kusoo dhigaan nin doonayey inuu degmada Warta-Nabadda uu ku aaso qarax xalay saqdii dhexe.

Ciidamada amaanka ayaa toogtay ninka qaraxa aasayey.

Saraakiisha ayaa sheegay inay heleen xog la xariirta qorshaha weerarkan taasna u fududeysay inay goobta tagaan xili ninkan rakibayey qaraxan xalay saacadu markay ahayd 01:15am.

Magaalada Muqdisho ayey maalmihii lasoo dhaafay ka dhaceen qaraxyo isxiga oo uu ugu weynaa weerarki ismiidaaminta ahaa ee Jimcihii lala beegsaday makhaayad ku taal nawaaxiga madaarka, waxaa sidoo kale qarax noocaan ah oo dhulka lagu aasay Sabtidii ka badbaaday Maareeya guud ee Dekadda Muqdisho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *