Muqdisho: Dad isku qoys ah oo dhimasho & dhaawac ka soo gaartay Hoobiye ugu tagay gurigooda

Published: September 1, 2022

Dad hal qoys ka koobnaa ayaa khasaare dhimasho iyo dhawaac ah ka soo gaartay saddex madfac oo lagu garaacay subixii hore ee saaka degmooyinka Boondheere iyo Xamar-weyne ee gobolka Banaadir.

Qoyskaas oo Hoobiye ugu tagay gurigooda oo ku dhawaa Madaxtooyada Soomaaliya, waxaa kaga dhintay saddex ruux oo walaalo ah kuwaas oo kala ah:

1. Canab Cali Maxamed

2. Laylo Cali Maxamed

3. Falastiin Maxamed Cali

Sidoo kale waxaa kaga dhaawacmay:

1. Bashiir Maxamed Cali

2. Abukar Cali

3. Safiyo Maxamed Cali

ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weeraradaan, balse dhowr jeer oo hore Shabaab ayaa madaafiic ku weeraray aagag muhiim ah oo ay ku yaallaan xaruumaha dowladda ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaan dhankeeda weli ka hadlin weeradadan ay dhasheen khasaarahaas kala duwan ee soo gaaray dadka Shacabka ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *