Muqdisho: Masuul ka tirsanaa maamulka degmada Yaaqshiid oo qarax lagu dilay

Published: August 30, 2022

Allaha u naxariistee Guddoomiye ku xigeenkii arrimaha siyaasadda ee maamulka degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, Macallin Xuseen Filla-wayne ayaa xalay ku dhintay qarax ka dhacay degmada Kaaraan.

Qaraxa oo miino ahaa ayaa Marxuumka loogu xiray gaarigiisa waxa uuna ku sugnaa xilliga la qarxinayey xaafadda Buulo Maaxaay oo ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa isla goobta ku geeriyooday, waxaana meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Dilka loo geystay Guddoomiye ku xigeenkii siyaasadda ee degmada Yaaqshiid ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *