Muqdisho: Maxkamada Ciidamada Oo Xabsi Ku Xukuntay Askar Ka Tirsan Ilaalada Waddooyinka

Published: June 25, 2023

Maxkamadda Ciidamada ayaa xukuno ku riday Seddax Askari oo ka tirsan ilaalada waddooyinka caasimadda Muqdisho, kuwaas oo kaalin kala duwan ku lahaa Muuqaal internet lagu baahiyay.

Maxamed Axmed Maxamuud (Carab) ayaa la arkay isago oo jirdil ka baxsan Bini’aadanimada u gaysanayo askari hore oo baahiyaha gaarka ah qabay oo adeeg u doontay Taraafikada. Waxaa lagu xukumay Seddax sano oo xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin.

Axmed Xasan Cadaawe oo ahaa madaxa Camerada CCTV, ahaana ninkii la wadaagay Cabdullaahi Abuukar Cariif ayaa lagu xukumay min laba sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin.

Waxa ay awoodi kareen in ay la wadaagaan muuqaalka hay’adaha ku shaqada leh CID iyo Xeer Ilaalinta Ciidamada balse badalkeed waxa ay doorteen ceebaynta Qaybta ilaalada Nabad Galyada Waddooyinka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute ayaa u sheegay warbaahinta xukunkan.

Horseed Media