
Wasaaradda Waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oob Salaasa ah ku dhawaaqday natiijada imtixaanka shahaadiga dugsiyada sare ee sanad dugsiyeedka 2021/2022.
Wasaaradda ayaa sheegtay in horey loo diiwaan geliyey inay imtixaanka gelayaan 34,469 oo ardayda, balse waxaa u fariisatay 33,468 oo arday, sidaas waxaa uga haray imtixaanka oo aan gelin ama u fariisan 1,001 Arday.
Tirada baastay imtixaanka guud ee shahaadiga ee fasalka 12-aad sanad dugsiyeedkii tegay ayaa ah 32,325 arday oo u dhiganta 97%. Waxaa ku dhacay imtixaanka 1143 arday oo u dhiganta 3%.
1100 ka mid ah ardayda ku dhacday imtixaanka dowladda waxay ku galeen Gobolka Banaadir, halka 43-da kale ay imtixaanka ku galeen gobollada kale ee dalka.

Khaalid Cabdullahi Maxamuud oo ka baxay iskuulka Iftin ee degmada Warta-nabadda (ex Wardhiigley) ee magaalada Muqdisho ayaa noqday ardayga galay kaalinta koowaad ee imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka.
Ardeyda ugu saraysey
Tobanka ardey ee u sareysey ayaa intooda badan ka socdeen gobolka Banaadir, waa lix wiil iyo afar gabdhood waxaana ay kala yihiin.
- Khaalid Cabdullaahi Maxamuud Nuur
Gobolka Banaadir - Xuseen Axmed Xasan
Gobolka Banaadir - Faadumo Ibraahim Cabdullaahi
Gobolka Banaadir - Shukri Faarax Ibraahim
HirShabelle - Huda Cabdullaahi Cabdi
Gobolka Banaadir - Cabdirisaaq Maxamed Cumar
Koonfur Galbeed - Naciimo Axmed Maxamed
Gobolka Banaadir - Maxamed Cabdiweli Maxamed
Jubbaland - Axmed Cabdiraxmaan Axmed
Galmudug - Maxamuud Xasan Cali
Gobolka Banaadir
Ardeyda guud ahaan gobolada kale ku hartey ayaa ah 43 ardey oo keliya.
- Deegaanada Koonfur Galbeed 24 arday ayaa dhacday.
- Galmudug 7 arday ayaa dhacday.
- Jubbaland 6 arday ayaa dhacday.
- HirShabelle 6 arday ayaa dhacday.
Guud ahaan ardeyda ku hartey Imitxaanks shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2021/2022 waa 1143, waxaana ardeyda ugu badeen ku dhaceen dugsiyada Banaadir.
Horseed Media
M.a shaqa wngsana haysiin hore usocda