Muqdisho: Shirka looga tashanayo geedi socodka iyo hanaanka Doorashada

Published: November 19, 2023

Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka furmay kulan looga tashanayo geedi socodka iyo hanaanka doorayooyinka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya kaas oo daba socda heshiiskii [GWQ] ee May 2023.

Kulankaan waxaa goob joog ka ah wasiiro katirsan dowladda, Ururrada Siyaasadda iyo bulshada rayidka ah kuwaas oo dhammaantood laga doonayo inay aragti ku biiriyaan arrimaha la xariira doorashooyinka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Ahmed Moallim Fiqi oo kulankaan ka hadlay ayaa ka qeybgalayaasha ku booriyay inay wax ku biiriyaan wadatashiga ku aadan qaabka doorasho ee dalka la doonayo ee ah in la gaar siiyo qof iyo cod, si bulshada u dareemaan in awoodoodii loo soo celiyey

Ugu dembayntii Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta waxaa uu kula dardaarmay madaxda iyo umadda Soomaaliyeed in laga fogaado isku dhacyada la xiriira doorashooyinka, lana ilaaliyo xilliyada dastuuriga ah ee lagu heshiiyo.