Muqdisho: Shirka Golaha Wadatashiga Oo Ka Furmay Teendhada Afisyooni

Published: August 21, 2021

Shirka golaha wadatashiga qaran ee madaxda dowlada federaalka iyo dowlada goboleedyada ayaa maanta oo sabti ah 21ka ogosto 2021 waxaa uu ka furmay teendhada afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa shir guddoominaya raysalwasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya, waxaana qayb ka ah madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir.

Waxaa kulanka looga hadlayaa inta uu socdo waxyaabaha ka qabsoomay heshiiskii doorasho ay gaareen madaxdu, dhamaystirka kuraasta harsan ee aqalka sare, dardargelinta doorashada golaha shacabka iyo xalinta caqabadaha jira.

Shirka golaha wadatashiga qaran ayaa lagu wadaa inuu sii socon doona maalmo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *