Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo diiday guddiyadii Doorashada ee lagu dhawaaqay

Published: November 8, 2020

Murashaxiintan gaareysa 12 oo ay ku jiraan kuwa ka tirsan xisbiyada Qaran ee Madaxdii hore ee dalka ayaa sheegay inay qaadaceen guddiyadii Doorashooyinka oo uu todobaadkii tagay ku dhawaaqay Raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“…Waxaan si xoogan u Diidanahay Dhismaha Guddiyada Doorashooyinka kadib markaan Xaqiiqsannay in Xafiisyada Madaxweynaha iyo R/wasaaraha ay xubnaha guddiyada doorashooyinka u soo xuleen Shaqsiyaad ka tirsan NISA, Madaxtooyada iyo Shaqsiyaad kale oo aad loogu yaqaan taageerada Madaxweynaha iyo kooxdiisa, arrintaas oo si cad uga hor imaaneysa Madaxba-naanida hannaanka doorashada iyo in Doorasho hufan ay dalka ka qabsoonto 2020/21…”

Bayaanka Murashaxiinta

Waxay sidoo kale sheegeen in arrimahan ay ka hor imaaneyso heshiisyadii siyaasadeed ee horey looga gaaray shirarkii dhexmaray Madaxda dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya, iyadoo jabineysa Qodobbada 11aad iyo 12aad ee Dastuurka iyo mabaadii’da guud ee matalaadda shacabka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *