Musharaxa macaaradka Senegal Bassirou Diomaye oo hoggaaminaaya natiijada doorashada madaxtinimada

Published: March 25, 2024

Taageerayaasha musharraxa madaxtinimada Senegal Bassirou Diomaye Faye ayaa isugu soo baxay waddooyinka caasimadda Dakar, iyagoo dabaaldegaya, iyadoo natiijadii hore ee codbixintii Axaddii ay muujisay in mucaaradka ay hoggaanka ku hayaan.

Dabaaldegga ayaa yimid iyadoo ugu yaraan 5 ka mid ah 17-ka musharrax ee tartanka ku jiray ay soo saareen qoraallo ay ugu hambalyeeyeen Mr Faye waxa ay ugu yeereen guushiisa.

Balse ninka ay sida weyn ula loolameen isbaheysiga talada haya, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Amadou Ba, ayaa sheegay in dabaal-deggu uu ahaa mid degdeg ah.

“Dhinacayaga, anagoo tixgelinayna jawaab celinta natiijooyinka kooxdayada khubarada ah, waxaan hubnaa in aan aadi doono wareeg labaad,” sidaas waxa yiri afhayeen u hadley musharaxa isbahaysiga talada haya ee raysalwasaarihii hore Amadou Ba.

Malaayiin qof oo reer Senegal ah ayaa ka qaybqaatey codbixintii Axadda ee lagu dooranayay madaxweynihii shanaad ee dalkaas. Waxay daba socotay saddex sano oo qalalaase siyaasadeed oo aan hore loo arag taasoo kicisay mudaaharaadyo rabshado wata oo dawladda lagaga soo horjeeday.

Madaxweynaha xilka haya ayaa markii ugu horeysay taariikhda Senegal aan ku jirin codbixinta. Isbahaysigiisa talada haya ayaa musharax u doortay Amadou Ba 62 jir ah.

Natiijooyinka kama dambaysta ah ayaa la filayaa maalinta berri ah ee Talaadada. Wareega labaad ee codeynta ayaa dhici doona kaliya haddii uusan jirin musharrax xaqiijiya in ka badan 50 boqolkiiba aqlabiyadda loo baahan yahay si looga hortago in wareeg labaad la qabto.

Hanad Askar
Horseed Media