Murashaxa Madaxweyne dalka Ecuador Villavicencio oo toogasho lagu dilay

Published: August 10, 2023

Musharaxa madaxweynaha Ecuador, Fernando Villavicencio ayaa la toogtay xili uu ku sugnaa isu soo bax ololaha doorashada oo ka dhacay caasimadda Quito, waxaa sidoo kale goobta ku dhintay ninka weerarka geystay oo ay toogteen ciidamada illaalada.

Inta uu socday weerarka waxaa ku dhaawacantay sagaal qof oo kale oo ay ku jiraan musharax u tartamayey golaha sharci dejinta iyo labo askari oo booliis ah sida ay wararku sheegayaan.

Villavicencio, ayaa hore u ahaa xildhibaan, xubin ka tirsan ururka shidaalka ee shirkadda dawladda ee Petroecuador, ka dibna saxafi cambaareeyay khasaaraha ay geystaan shirkadaha shidaalka soo saara.

Waxa uu ka mid ahaa 8-da musharrax ee u tartameysa xilka madaxtinimada ee doorashada la qorsheeyay in ay qabsoonto 20-ka Agoosto.

Horseed Media