N Korea oo sheegtay askarigii Mareykanka ee isu dhiibay inuu kasoo baxsaday cunsurinimo

Published: August 16, 2023

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in askari Mareykan ah oo bishii hore ka soo tallaabay xadka uu sidaas sameeyay isagoo magangalyo raadinayay kana soo baxsaday falalka “xadgudubyo bini’aadantinimo iyo midab takoorka” ee Mareykanka.

Warkan ayaa maanta lagu daabacay warbaahinta dawladda, waa warkii ugu horreeyay ee Pyongyang ee ku saabsan askariga Travis King oo 18kii Luulyo ka tilaabay xadka Kuuriyada Koonfureed isagoo isu dhiibay Kuuriyada Waqooyi.

Askarigan oo kamid ahaa ciidamada Maraykanka ee ku sugan Kuuriyada Koonfureed ayaa xiliga uu baxsaday lagu waday in dib loogu celiyo Maraykanka, kadib markii lagu eedeeyey falal danbiyo ah.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin in askariga uu si ula kac ah uga gudbay xadka, waxayna diideen in loo aqoonsado maxbuus dagaal.

Horseed Media