Nabadoon Cabdi Aadan Siyaad oo lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

Published: March 11, 2023
Shares2

Alle ha u naxariistee Nabadoon Cabdi Aadan Siyaad (Cabdi dheere) ayaa caawo lagu dilay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Nabadoonka ayaa la dilay xilli uu ka soo baxay masjidka Ramadaan oo uu ku soo tukaday Salaadda Makhrib, sida ay xaqiijiyeen goob joogayaal.

Dableydii dilka u geysatay Nabadoon Cabdi dheere ayaa goobta ka baxsaday.

Magaalada Galkacyo oo dhawrkii sano ee la soo dhaafay amnigeedu soo hagaagayay ayaa muddooyinkii dambe waxaa ku soo batay dilalka qorsheysan.

Horseed Media