Netanyahu: Falastiin ma horjoogsan karto xiriirka Israel la sameysaneyso Dalalka Carabta!

Published: September 23, 2023

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ammaanay heshiisyadii u dambeeyay ee u dhexeeya Israa’iil iyo dowladaha Carabta, isagoo ku nuux-nuux saday in Falastiiniyiintu aysan haysanin “veto” ama horjoogsan karin heshiisyadan.

Isagoo la hadlayay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay subaxnimadii Jimcaha, Netanyahu wuxuu ammaanay rajada xiriirka rasmiga ah ee u dhexeeya Israa’iil iyo Sacuudiga, isagoo hoosta ka xariiqay doorka Mareykanka ee dadaallada lagu heshiisinayo labada dal.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa sidoo kale cambaareeyay dowladda Iiraan, wuxuuna ugu baaqay beesha caalamka inay mowqif adag ka qaataan Tehran.

Wadamo yar oo Carab ah ayaa aqoonsaday Israa’iil tan iyo markii la aasaasay 1948-kii, laakiin sanadkii 2020 maamulkii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa gacan ka geystay xaqiijinta heshiisyada lagu dhisayo xiriirka Israel iyo Imaaraadka Carabta, Bahrain & Morocco. Dowlada Suudaan waxay sidoo kale ogolaatay inay ku biirto heshiisyadan.

Markii hore, in badan oo dallalka Carabta ah ayaa shuruud ku xiray in Israa’iil la aqoonsado, sidii loo dhisi lahaa dawlad Falastiini ah oo shaqayn karta oo ay caasimaddeedu tahay Bariga magaalada Quddus, sida lagu sheegay Hindisaha Nabadda Carabta.

Qorshahaas ayaa sidoo kale ku baaqaya in xal cadaalad ah loo helo xaaladda qaxootiga Falastiiniyiinta.

Horseed Media