Nigeria: Duqeyn Drone oo lagu dilay 85 qof oo rayid ah

Published: December 5, 2023

Weerar militariga Nigeria u adeegsaday diyaaradaha drone ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 85 qof oo rayid ah oo isugu soo baxay dabaaldeg diimeed.

Weerarkan ayaa ka dhacay gobalka Kaduna ee waqooyiga dalkaasi Nigeria.

Weerarkan oo habeenimadii Axadda ka dhacay tuulada Tudun Biri oo ka tirsan deegaanka Igabi ee gobolka Kaduna ayaa waxa uu dhacay xilli ay Muslimiintu isugu soo baxeen halkaas si ay u dabaaldegaan xuska dhalashada Nabi Muxamed NNKH.

Guddoomiyaha gobolka Kaduna Uba Sani ayaa sheegay in dadka rayidka ah “si qaldan loo dilay, qaar kalena lagu dhaawacay” diyaarad aan duuliye lahayn oo “baadi-goobaysay argagixisada iyo burcadda”.

Hay’adda Maareynta Degdegga ah ee Qaranka ayaa bayaan ay soo saartay maanta oo Talaada ah ku sheegtay in “85 mayd ah ilaa hadda la aasay iyada oo wali baadigoobku socdo”.

Horseed Media