Niger: Kooxda afgenbiga, ayaa sheegay in ay ku soo oogi doono hogaamiyihii xilka laga tuuray khiyaamo qaran

Published: August 14, 2023

Hogaamiyaasha afgambiga Niger ayaa sheegay in ay maxkamadeyn doonaan madaxweynihii xilka laga tuuray ee Mohamed Bazoum oo lagu eedeeyay “khiyaano qaran”.

Nidaamkii militariga ee talada dalka Niger kula wareegay afgambi dabayaaqadii bishii Luulyo ayaa sheegay maanta oo Isniin ah in ay maxkamad horgeyn doonaan madaxweynihii xilka laga tuuray ee Mohamed Bazoum oo lagu eedeeyay “khiyaano qaran” iyo in uu wax u dhimay ammaanka qaranka.

Bayaan laga sii daayey telefiishanka, afhayeenka ciidamada milateriga Gaashaanle Sare Amadou Abdramane ayaa sheegay in talisku “uu ururiyay caddaymaha lagama maarmaanka u ah in lagu dacweeyo hortooda mas’uuliyiinta qaranka iyo kuwa caalamiga ah ee awoodda leh ee madaxweynihii xilka laga tuuray iyo kuwii gudaha iyo dibaddaba la socday ee ay ku kaceen khiyaamo qaran iyo inay wax u dhimeen amniga gudaha iyo dibadda ee Niger. “

Bazoum, oo ah madaxweynaha sida dimuqraadiga ah loogu soo doortay dalka ku yaalla galbeedka Afrika, ayaa xilka laga tuuray 26-kii bishii July, waxaana tan iyo xilligaas lagu hayay hoygiisa madaxtooyada isaga iyo wiil uu dhalay iyo xaaskiisa.

Eedeymaha ka dhanka ah madaxweynihii xilka laga tuuray ayaa imaanaya saacado kadib markii wafdi Nigeria ka socday ay sheegeen in hogaamiyayaasha afgambiga Niger ay diyaar u yihiin xal diblomaasiyad si ay u xaliyaan xiisadda kala dhexeysa ECOWAS ee galbeedka Afrika.

Ururka ECOWAS ayaa ku baaqay in Bazoum dib loo soo celiyo, isagoo cunaqabatayn dhaqaale oo ba’an ku soo rogay Niger, waxayna ku hanjabeen faragelin militari haddii aan dib loo soo celin xukunka rayidka ah.

Niger, oo ah waddan ay ku nool yihiin 26 milyan oo qof ayaa ka mid ah dalalka dadkiisu dunidan ugu saboolsan yihiin, Madaxweynaha la afgembiyey ayaa ka mid ka mid ahaa shuraakada dimuqraadiga ah ee ugu dambeeya ee Mareykanka iyo waddamada Yurub ay ku lee yihiin gobolka Saaxil ee cirifka koonfureed ee Saxaraha.

Horseed Media