NIGER: Militariga oo sheegay inay afgambiyeen xukuumadii Madaxweyne Bazoum

Published: July 27, 2023

Askarta Niger ayaa sheegtay inay xilka ka xayuubiyeen Madaxweyne Maxamed Bazoum maanta oo khamiis ah, saacado kaddib markii xubno ka tirsan ilaalada madaxtooyada ay madaxweynaha ku xireen gurigiisa.

Warbixin laga sii daayay telefishinka qaranka, Kornayl-Major Amadou Abdramane wuxuu ku sheegay in “wasaarada difaaca iyo ciidamada ammaanku ay go’aansadeen in ay soo afjaraan taliskii madaxweyne Bazoum”.

Arrintan waxaa looga hortagayaa xaaladda sii xumaaneys ee amniga, maamulka iyo dhaqaalaha, ayaa lagu yiri warka kasoo baxay militariga.

Askarta ayaa sheegay in xuduudaha dalka ay xiran yihiin, isla markaana uu jiro bandow dalka oo dhan ah. Waxaa sidoo kale shaqada laga joojiyay dhammaan hay’adaha dalka.

Kooxdan isku magacaawday Golaha Qaranka ee ilaalinta dalka ayaa ka digay faragelin shisheeye. Xili Maraykanka uu ku baaqay in si deg deg ah loo soo daayo Madaxweynaha.

Ma cadda halka uu madaxweynuhu ku sugan yahay wakhtigan iyo haddii uu is casilay.

Horseed Media