Niger oo ka baxday heshiiskii hawalgalka militariga Mareykanka

Published: March 17, 2024

Ciidamada talada haya ee dalka Niger ayaa si degdeg ah u laalay heshiis militari oo u ogolaanaya shaqaalaha militariga iyo shaqaalaha rayidka ah ee waaxda difaaca ee Mareykanka in ay joogaan ciidamadooda, af hayeenka ciidamada milatariga Niger, Colonel Amadou Abdramane ayaa Sabtidii sheegay.

Go’aankan ayaa daba socday booqasho ay toddobaadkan saraakiil Maraykan ah ku tageen dalkaasi oo ay hoggaaminaysay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka ee Afrika Molly Phee oo uu ka mid ahaa Jeneraal Michael Langley oo ah taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika.

Abdramane, oo u waramayay talefishin ku yaala galbeedka Afrika, ayaa sheegay in weftiga Maraykanku aanay raacin hab-maamuuska diblamaasiyadeed, isla markaana aan Niger laga war-helin xubnaha weftiga, taariikhda ay imanayaan iyo ajandaha laga hadlayo.

Waxa uu intaa ku daray in wada hadaladu ay ku saabsanaayeen isbedelka militari ee hadda ka socda Niger, iskaashiga milatari ee labada dal iyo doorashada Niger ee saaxiibada dagaalka ka dhanka ah xagjiriinta xiriirka la leh Al Qaacida iyo Daacish.

Sarkaal Maraykan ah, oo ka hadlayay shuruudda aan la magacaabin, ayaa sheegay in saraakiisha sarsare ee Maraykanku ay “wadahadal dhab ah” ku yeesheen Niamey horraantii toddobaadkan oo ku saabsan mawqifka golaha milatariga ee talada Niger haya – oo loo yaqaan CNSP.

“Waan la xiriirnay CNSP waxaana ku siin doonaa warar dheeraad ah sida loo dammaanad qaado,” ayuu sarkaalku ku daray.

Tan iyo markii ay xukunka la wareegeen bishii July ee sannadkii hore, Junta-ga Niger, si la mid ah madaxdii militariga ee deriska la ah Mali iyo Burkina Faso, waxay eryeen Faransiiska iyo kuwa kale ee Yurub, waxayna u jeesteen Ruushka si ay u taageeraan.

Ilaa 1,100 askari oo Maraykan ah ayaa ku sugnaa Niger sanadkii hore, halkaas oo millatariga Maraykanku ka hawlgalo laba saldhig, oo uu ku jiro saldhigga aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Air Base 201, oo laga dhisay Agadez ee badhtamaha Niger oo ay ku baxday in ka badan $ 100 milyan.

Tan iyo sannadkii 2018-kii saldhiggan waxaa loo adeegsaday in lagu beegsado mintidiinta dowladda Islaamiga ah iyo Jamaacada Nusrat al-Islam wal Muslimeen, oo xiriir la leh Al Qaacidda, ee gobolka Saaxil.

Abdramane waxa uu sheegay in maqaamka iyo joogitaanka ciidamada Maraykanka ee Niger ay tahay sharci-darro, laguna xad-gudbay xeerarka dastuuriga ah iyo dimuqraadiyadda, sababtoo ah, sida uu sheegay afhayeenku, waxa si keli ah loogu soo rogay waddanka Afrika sannadkii 2012-kii.

Waxa uu sheegay in Niger aysan ka warqabin tirada shaqaalaha rayidka ah iyo militariga Mareykanka ee ku sugan dhulkeeda ama tirada qalabka la geeyay, sida uu dhigayo heshiiska, ciidamada Mareykanka ma saarna wax waajib ah inay ka jawaabaan codsi kasta oo lagu caawinayo xagjiriinta.

Horseed Media