Nigeria: 275 arday oo la la’yahay kadib markii koox hubaysan ay weerareen iskuul

Published: March 8, 2024

Ugu yaraan 275 arday ayaa la la’yahay kadib markii rag hubeysan ay weerareen iskuul ku yaalla waqooyi-galbeed dalka Nigeria, weerarkan oo ah afduubkii labaad ee toddobaad gudihiis ka dhaca dalkaas.

Saraakiisha dawladda hoose ee gobolka Kaduna ayaa xaqiijiyey afduubka ka dhacay (Iskuulka Kuriga) khamiistii shalay, laakiin ma aysan soo bandhigin tiradda kama danbeysta ah ee ardayda la qafaashay.

Maamulka dugsiga ayaa sheegay in ilaa 25 kamid ah ardaydii la afduubay dib loogu celiyay waalidkood, balse 275 arday weli la la’yahay.

Ilaa 175 kamid ah kuwa wali la la’yahay ayaa la rumeysan yahay in ay da’doodu u dhaxeyso 8 ilaa 15 jir.

Kooxo baadigoob iyo gurmad ah ayaa la diray si ay isugu dayaan in ay soo badbaadiyaan carruurta.

Waalidiinta iyo dadka deegaanka ayaa afduubka u sababeeyay amni darro ka jirta deegaanka.

Dalka Nigeria gaar ahaan gobalada waqooyi-galbeed ayaa waxaa caado ka noqotay weerarada noocaan ah oo ay kooxaha hubeysan la beegsadaan goobaha waxbarashada, isla markaana lacago madax-furasho ah u qafaashaan ardayda, iyadoo si weyn loo dhaliilay kaalinta dowlada oo la sheegay inay ka gaabisay dhanka amniga.

Horseed Media