Nin ku eedeysan in uu xaaskiisi gubey ilaa ay ka dhimatey oo dacwadiisu bilaamatey

Published: February 21, 2024
Eedeysane Sayid Cali Macalin Daauud

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta oo Arbaca ah u fariisatey kiiska Luul Cabdicasiis Maxamed oo 26 bishii janaayo lagu diley magaalada Muqdisho. Luul Cabdicasiis ayaa ku geeriyootey isbitaalka digfeer dhaawac ka soo gaarey dab la qabadsiiyey jidhkeeda.

Xafiiska Xeer-ilaalinta ayaa dacwad ku soo oogey ninka lagu magacaabo Sayid Cali Macalin Daauud, waxaana ay ku eeedeeyeen in uu si badheedh ah u gubey Luul Cabdicasiis Maxamed oo ahayd xaaskiisa oo leh uur laba bilood ah, sidoo kale xeer ilaalintu waxay ku eedeysey in uu dhaawac gaarsiiyey wiil lagu magacaabo Cimaad Cabdirisaaq oo ay dhashey dhibane Luul Cabdicasiis kaas oo dabku ka gaarey lugta.

Dacwad oogaha ka socdey xafiiska Xeer-ilaalinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in habeenkii 26 Janaayo 2024 uu muran dhex marey eedeysane Sayid Cali iyo xaaskiisa Luul Cabdicasiis, kadib waa uu baxay waxaana uu soo gatey Baasiin kadibna waxa uu ku shubey xaaskiisi isaga oo dab qabadsiiyey. Xeer-ilaalinta oo soo xiganaysa markhaantiyo ayaa sheegtey in kadib markii uu xaaskiisa gubey eedeysane Sayid Cali uu baxsadey isaga oo gaari uu lahaa ka kaxyastey garaash ka soo horjeeda, waxaana uu tegey degmada Huriwaa, ka hor inta aan ehelkiisu ula baxsan gobolka Galguduud halkaas oo 6 Febaraayo ciidamada NISA ay ka soo qabteen.

Dacwad oogaha Xafiiska xeerilaalinta ayaa dalbadey in eedeysane Sayid Cali lagu xukumo dil qisaas u ah dhibaatada uu geystey.

Maxkamadda ayaa la horkeenay laba markhaanti iyo caruurtii ay dhashey Luul Cabdicasiis oo ay u dhashey nin kale kuwaas oo ka marag furey wixii ay habeenkaas arkeen.

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha ayaa dalabadey in dib loogu dhigo kiisa oo ay maxkamadda horkeenayaan markhaantiyaal kale oo ay ka mid ahaayeen kuwii guriga demiyey.

Horseed Media