Nin Shiinays ah oo Laga Helay 700 oo Gooryaan Khatar ah Kadib Markii uu Cunay

Published: November 23, 2019

Nin 43 Jir oo ku nool Bariga wadanka Shiinaha ayaa ka yaabiyay dhakhaatiirta dalkaasi ka dib marii laga helay sanbabadiisa, madaxiisa iyo laabtiisa 700 Gooriyaan.

Ninkan oo lagu magacaabo Zhu Zhong-fa ayaa muddo dheer ka cabanayay madax xanuun iyo laab xanuun, Cusbitaal kala duwan oo gobolkiisa ayuu baaritaan iyo daaweyn u tegay, hase yeeshee waa lagu guulaysan waayay in la jabiyo qandho daran oo haysay muddo bil ah.

Kadib waxaa loo wareejiyay machadka caafimaadka ee Jaamacada, Zhejiang University, ka dib markii baaritaan lagu sameeyay waxaa laga helay gooryaanka taenia solium.

Warkan oo lagu daabacay Jariidada Chine Daily ayaa dhakhaatiirtu ay sheegeen in Bukaanku uu muddo dheer cunayay hilibka doofaarka isagoo mararka qaarkood si wanaagsan aan u karin jirin Hilibka.

Gooriyaanka taenia solium ayaa inta badan waxaa laga qaada hilibka aan la karin iyo hilibka doofaarka, waxaa kaloo laga qaadaa Saxarada dadka. Haddii aan si wanaagsan loo daaweyn waxaa uu waxyeeleeya habdhiska dareenka bani’aadamka iyo Xubnaha kale ee jirka.

Dhinaca kale, Gooriyaanku wuxuu aad ugu badan yahay dalka Ethiopia oo aad looga cuno hilibka Cayriin.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *