NISA oo garoonka Aaden Cadde ku qabatay diyaarado nooca Drones-ka

Published: November 3, 2021

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa garoonka diyaaradaha Aadan-cadde ku qabatay ilaa lix diyaaraha dhulka laga hago ah ee loo yaqaano Drones-ka.

Diyaarahan ayaa la sheegey in laga soo iibiyey dalka Turkiga, iyada oo dalka la keenay ayaga oo kala furfuran si gudaha dalka loogu rakibo,waxaana sidoo kale la socday oo lala qabtay laba farsamo-yaqaan oo qorshuhu ahaa in ay rakibaan.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradahan la tuhunsan yahay in uu leeyahay xildhibaan katirsan ah Baarlamanka wakhtigu ka dhamaaday ee Dowladda Federaalka uuna doonayey in uu ku waraabiyo beero uu leeyahay.

Wasaaradda Amniga iyo DDRta Puntland ayaa xalay soo saartay amar ay deegaannadeeda kaga mamnuucday diyaarahan Droneska.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *