Norway, Ireland iyo Spain oo aqoonsaday Wadanka Falastiin

Published: May 22, 2024

Waxaa goordhaweyd ku dhawaaqay inay aqoonsadeen dalka iyo Dowlada Falastiin sadexda wadan ee ka tirsan Yurub, iyagoo sheegay in tani ay qeyb ka tahay difaacida xaquuqda shacabka Falastiin.

Raysalwasaaraha Norway ayaa sheegay inay qaban doonaan 28ka bishan May munaasabada aqoonsiga.

Raysalwasaaraha Ireland ayaa isaguna sheegay in tilaabadan ay tahay mid lagu taageerayo mustaqbalka iyo xaquuqda ay leeyihiin shacabka Falastiin.

Raysalwasaaraha Dowlada Spain ayaa sheegay inay aqoonsadeen dowlada Falastiin, isagoo sheegay in ay tahay tilaabo lagu taageerayo xal waara oo laga gaaro xiisada ka taagan dhulka la heysto ee Falastiin.

Sadexdan dal ayaa ugu baaqay wadamada kale ee Yurub inay iyaguna qaadaan tilaabo tan lamid ah, iyadoo ay horey u jireen 9 wadan oo kamid ah Midowga Yurub oo horey u aqoonsaday Falastiin.

Go’aankan ayaa lagu soo beegay xili dagaalka ka socda Gaza uu galay bishii 8aad, isla markaana Israel ay ku xasuuqday dhulkaasi in ka badan 35.600 qof oo rayid ah oo u badan caruur iyo haween.

10kii bisha May, ayey Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay cod aqlabiyad ah ku taageereen aqoonsiga Dowlada Falastiin, arrintaasi oo soo dadajisay tilaabada ay qaadeen sadexdan wadan, iyadoo la filayo in dalal kale oo ka tirsan Yurub ay aqoonsan doonaan dowlada Falastiin.

Horseed Media