Odayaasha Gobolka Gedo oo Kenya ugu baaqay inay joojiso duqeymaha rayidka & Hanti Gaarka loo leeyahay

Published: August 13, 2018

Odoyaasha dhaqanka Gobolka Gedo ayaa waxay Baaq u direen Dowlada Kenya in ay joojiso falalka duqeymaha ah iyo Dilalka micno darrida iyo Kusiga ah ee ay Ciidamada Kenya ka geysanayaan deegaanada ay ku nool yahiin dadka shacabka ah ee reer guuraagaah.

Odayaasha ayaa waxaay sheegeen 55 qof oo shacab ah ayey ilaa 2011-kii ku dileen Ciidamada Kenya Gobolka Gedo, halka dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay.

Nabadoon Faarax Hire Guhaad oo ka mid ah Odoyaasha dhaqanka Gobolka Gedo ayaa sheegay in aan loo dul qaadan karin falalka isugu jira duqeymaha iyo dilalka ciidamada Kenya ay geysanayaan deegaanno ka tirsan Gobolka Gedo, isaga oo sheegay Labadii bilood ee u dambeeyey ilaa Shan ruux in ay ku kala dileen ciidanka Kenya deegaano u dhaxeeya degmooyinka Ceelwaaq iyo Beladxaawo ee Gedo.

Nabadoon Faarax ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay Ciidamada Kenya inay bur-buriyeen Isgaarsiintii degmada Ceelwaaq, halkaasi oo ay ku dileen bishii hore ilaa Labo ruux oo shacab ah, halka xoolo tiro badanna ay ku laayeen Gobolka, wuxuuna ugu baaqey Kenya in ay joojiso xadgudubyada ay ku hayso dadka Soomaaliyeed ee aan waxba ka galabsan ee deegaankaas ku dhaqan.

“Kenya shacabkii wey dhammeysay, cid ay dhaaftay lama arag, duqeyn iyo weerar ay ciidankooda ka fuliyaan Gedo, waxayna laayeen shacab aan waxbo galabsan, waxaan leenahay dowladda Kenya haddii aad moodeyn in xisaab aanay jirin maalin baa la idin kala xisaabtami doonaa shacabka Soomaaliyeed ee aad micno darrida ku leyseen” ayuu yiri Nabadoonka.

Horseed Media

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *