Pakistan: Guddiga doorashada oo soo saaray amar lagu soo xirayo ra’iisul wasaarihii hore Khan

Published: July 25, 2023

Guddiga doorashada Pakistan ayaa soo saaray amar xariga aan dammaanad lahayn oo ka dhan ah Imran Khan, tani oo noqoneysa caqabadii ugu dambeysay ee dhanka sharciga ah ee soo wajahday ra’iisul wasaarihii hore.

Kiiskii ugu dambeeyay ayaa yimid Isniintii shalay, xili Khan uu dammaanad ka helay maxkamadda sare kiis kale oo horey loogu heystay. Khan ayaa lagu soo oogay in ka badan 150 kiis oo kala duwan oo ay ku jiraan “argagixiso” tan iyo markii laga xayuubiyay ra’iisul wasaare cod kalsooni kala noqoshada baarlamaanka bishii Abriil ee sannadkii hore.

Amarka, oo laga soo saaray Islamabad, ayaa lagu sheegay in Khan uu is-hortaagay hab-socodka guddiga doorashada oo uu ku guuldareystay inuu horyimaado guddiga inkastoo ogaysiisyo hore la siiyey. Khan ayaa lagu eedeeyay in uu isticmaalay “hadalo lidi ku ah” guddiga doorashada.

Khan oo hogaamiya xisbiga ugu weyn ee mucaaridka ayaa sheegay taliska Militariga dalkaasi oo ka danbeeyey xukunka ka tuuray uu hada doonayo inuu ka hor-istaago inuu xilka markale u tartamo.

Horseed Media