Pakistan: Imran Khan ayaa lagu xukumay 3 sano oo xabsi ah

Published: August 5, 2023
Shares4

Maxkamad ku taalla dalka Pakistan ayaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaasi Imran Khan ku heshay inuu galay debi, waxaana ay ku xukuntay saddex sano oo xarig ah, sida uu sheegay TV-ga dowladda.

“Xaakim Humayun Dilawar ayaa ku dhawaaqay in Imran Khan uu ku lug yeeshay dhaqamada musuqmaasuqa ee la xaqiijiyay,” sidaas waxaa laga sheegay TV Pakistan.

Maxkamaddu waxay ku heshay danbi ah inuu wax ka iibiyay oo uu ka been sheegay inuu helay hadiyado ka yimid dowlado shesheeye oo qiimahoodu dhan yahay
140 milyan oo Rupees Pakistan ah una dhiganta $635,000 mudadii u dhexeysey 2018-2022 oo uu ra’iisal wasaare ka ahaa Pakistan.

Qareenka Imran Khan, Intazar Hussain ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in la xiray lagana kaxeystay hoygiisa oo ku yaala bariga magaalada Lahore.

Sida ay khubaradu sheegayaan, xukunka kiiskan ayaa soo afjari kara fursadaha uu ugu jiro inuu isu soo taago doorashooyinka qaranka ee la filayo inay sanadkan qabsoomaan.

Horseed Media