Pakistan: Imran Khan oo lagu soo eedeeyay in uu garsoore u hanjabey.

Published: September 9, 2022

Maxkamad ku taal Pakistan ayaa go’aansatay, inay Ra’iisul Wasaarihii hore Imran Khan kusoo oogto kiis ixtiraam darro ah oo u hanjabay garsoore dumar ah, waxaana hoggaamiyaha mucaaradka oo 70 jir ah haddii lagu helo dambiga lagu soo eedeyay uu ku muteysan karaa xabsi lix bilood ah.

Waxay sidoo kale keeni doontaa in laga saaro siyaasadda Pakistan muddo shan sano ah marka loo eego shuruucda doorashada Pakistan.

Kadib dhageysiga dacwada, gudi ka kooban shan garsoore oo ka tirsan maxkamada sare ee caasimada Islamabad ayaa go’aamiyay in eedeymaha loo haysto Khan lasoo saari doono 22-ka September.

Ra’iisul wasaarihii hore ayaa abaabulayay isu soo baxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dowladda si uu ugu cadaadiyo doorasho waqtigeeda laga soo hormariyo si uu dib ugu soo laabto siyaasadda tan iyo markii xilka laga tuuray bishii Abriil markii baarlamaanku codka kalsoonida uu u qaaday.

Eedeymaha quursiga ah ayaa ka dhashay khudbad uu Khan u jeediyay bishii hore tobanaan kun oo taageerayaasha xisbigiisa ah oo ku sugnaa caasimadda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *