Pakistan: Shil tareen oo ay dad badan ku dhinteen

Published: August 6, 2023

Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhimatay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii uu tareen khadka ka baxay koonfurta Pakistan.

Tareenka Hazara Express ayaa Axaddii maanta shil ku galay meel u dhow xarunta tareenada ee Sahara ee Nawabshah, gobolka Sindh.

Ugu yaraan 1,000 rakaab ah ayaa saarnaa tareenka markii uu ka goostay qayb ka mid ah wadada tareenada.

Sawirro la soo dhigay warbaahinta maxaliga ah ayaa muujinaya tobanaan qof oo goobta ku sugnaa, kuwaas oo qaarkood burburiyay daaqadaha tareenka si ay uga caawiyaan rakaabka inay ka soo baxaan tareenka gadoomay.

Horseed Media