Pakistan: Tobaneeyo qof oo ku dhintay qarax bambaano oo ka dhacay isu soo bax siyaasadeed

Published: July 30, 2023
Shares8

Ugu yaraan 35 qof ayaa ku dhimatay kadib markii bam xooggan lagu weeraray isu soo bax siyaasadeed oo ka dhacayay waqooyi-galbeed ee Pakistan, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaasi.

Qaraxa ayaa ka dhacay Axadii goob ay ku shirayeen xisbiga muxaafidka ah ee Jamiat Culema-e-Islam (JUI-F) duleedka magaalada Khar ee degmada Bajur ee waqooyi-galbeed Pakistan, oo xuduud la leh Afghanistan.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, balse maamulka deegaanka ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah.

Kulan siyaasadeedkan oo ka mid ah kuwii uu soo qabanqaabiyay xisbiga JUI-F Axaddii ayaa dalka oo dhan ka socda, kaasoo lagu abaabulayo taageerayaasha doorashada soo socota oo lagu wado inay qabsoonto bisha Oktoobar.

Ra’iisul Wasaare Muxamed Shehbaz Sharif ayaa si kulul u cambaareeyay falkaasi, wuxuuna tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay weerarkaasi, oo uu ku jiro hogaamiyaha JUI-F Ziaullah Jan, oo la xaqiijiyay in lagu dilay weerarka, sida uu sheegay Radio Pakistan.

Horseed Media