Poland oo joojisey in hub danbe u dirto Ukriane

Published: September 22, 2023

Raysalwasaaraha Poland Mr. Mateusz Morawiecki ayaa ku dhawaaqey in dalkiisu mar danbe hub u dhoofin doonin dalka ay deriska yihiin ee Ukriane, taas bedelkeeda uu ku mashquuli doono sidii ay hubkooda u casriyeyn lahaayeen isuna difaaci lahaayeen.

Xiisada labada dal ee Poland iyo Ukriane u dhaxaysa ayaa salka ku haysa dhoofinta badarka Ukraine.

Hubka ay reer galbeedku siiyaan Ukraine ayaa la sii marsiin jirey Poland, Raysalwasaaraha Poland Mateusz Morawiecki oo waraysi siiyey telefishanka dalkaas ayaa ku dhawaaqey in aysan hub danbe u wareejin doonin.

Tan iyo bilowgii duulaanka Ruushku uu ku qaaday Ukraine bishii Febraayo 2022, Warsaw waxa ay ahayd mid ka mid ah xulafada ugu adag ee Kyiv. Ilaa hadda, Poland waxa ay gaarsiisay Ukraine gargaar milatari, maaliyadeed iyo bini’aadantinimo oo qiimahoodu dhan yahay €4.27 bilyan (qiyaastii $4.54 bilyan) Ukraine, sida uu qabo machadka Kiel ee Ukraine Support Tracker, kaas oo qiyaasa gargaarka ay dawladuhu u ballan qaadeen Kyiv. Tan iyo markii uu bilowday duulaanka Moscow, Warsaw waxay sidoo kale door muhiim ah ka ciyaartay u ololaynta xubnaha kale ee Midowga Yurub iyo NATO inay hub badan u diraan Ukraine.

Mamnuuci soo dejinta badarka

Toddobaadyadii la soo dhaafay, xiriirka labada dal ee xulafada ah ayaa xoogaa xumaaday ka dib markii Warsaw ay soo rogtay mamnuucid soo dejinta qamadiga Ukraine si ay u ilaaliso wax soosaarka beeralayda Poland, inaanu saameyn ku yeelan qamadiga qiimaha jaban iyo soo dejinta cuntada. Waddamada deriska ah ee Hungary iyo Slovakia ayaa ku biiray Poland si ay u kordhiyaan mamnuucida dalagga Yukreeniyaan iyo soo dejinta. Xayiraadaha ayaa la soo bandhigay ka dib markii Komishanka Yurub, oo ah qaybta fulinta ee Midowga Yurub, ay go’aansadeen in aysan kordhin xayiraadda soo dejinta ee dalalkaas, oo ay weheliyaan xubnaha kale ee Bulgaria iyo Romania.

Khilaafka ayaa sii kordhay kadib markii Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy uu ka sheegay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Talaadadii in iyadoo Kyiv ay ka shaqeyneysay ilaalinta waddooyinka dhulka ee dhoofinta qamadiga, ay jiraan dalal muujinaaya midnimada dadweynahooda laakiin go’aanada ay qaadanayaan ay si dadban ugu taageerayaan Moscow, isaga oo u jeeda mamnuucida badarka.

Wasaaradda arrimaha dibadda Poland oo ka xanaaqdey khudbadda madaxweynaha Ukriane ayaa u yeertay safiirka Ukraine si wax looga weydiiyo isla markaana loo gudbiyo cabashada laga abo khudbadii Madaxweynihiisa.

Madaxweynaha Poland Andrzej Duda ayaa ku tilmaamay Kyiv inuu la mid yahay nin biyo ku haftey oo qabsaday samatabbixiyihii badbaadin lahaa ka dibna u jiiday biyaha guntooda.

Horseed Media