Puntland miyey baajisey safarkii Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre ee Garoowe?

Published: August 14, 2022
Xamse Cabdi barre

Raysalwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wefdi uu hoggaamin lahaa ayaa todobaadkan ku wajahnaa Puntland, laakiin waxaa wararku sheegayaan in Puntland aysan weli ka soo jawaabin booqashada raysalwasaaraha iyo wefdigiisa.

Raysalwasaare Xamse Cabdi ayaa ku mashquulsanaa xil u kala wareejinta golaha wasiirada taas oo badankod soo dhamaatey maalintii Sabtida.

Sida ay sheegayso xog Horseed Media soo gaartey, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaan ilaa iminka ka soo jawaabin safarka raysalwasaaruhu qorsheynaayey in uu ku tago halkaas.

Sida xogtu sheegayso Raysalwasaare Xamse ayey u badan tahay in uu dowlad goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug u wareejiyo safarkiisa u horeeya, haddii aan jawaab uga imaan Madaxweyne Deni.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *