Puntland Oo Dil Ku Xukuntay Rag Kufsi Iyo Dil U Geystay Gabadh 14 Jir Ah

Published: November 4, 2020

Maxkamadda derejada koowaad ee degmada Boosaaso, ayaa maanta oo Arbaco ah xukun dil ah ku ridday, laba nin oo lagu helay dilka gabar yar oo da’deeda lagu sheegay 14-sano jir, taas oo 24-kii October 2020 maydkeeda laga helay gudaha Boosaaso.

Guddoomiyaha maxkamadda derejada kowaad ee Gobolka Bari, Abukar Cabdinuur Jaamac oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay inay Maxamed Cabdi Faray iyo Cabdiraxmaan Maxamed Isaaq maxkamadda horteeda ka qirteen in ay dileen marxuumad Niciimo Cabdi Maxamed, kadib markii ay gaari ku qaateen xilli habeen ah, islamarkaana ay kufsi iyo dil isu’gu dareen marxuumadda.

Gaarane Faarax oo ahaa shaqsiga lahaa sababta inay gabadhani timaado Boosaaso balse uusan la wareegin masuuliyadeeda ayaa sidoo kale maxkamadu ku xukuntay hal sano oo xabsi ah iyo $500 Dollar oo ganaax ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *