Puntland oo la yaab ku tilmaantay magacaabista Ergeyga arimaha Somaliland

Published: April 6, 2023

Xukuumadda Puntland ayaa qaadacday Ergeyga loo magacaabay arimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed, waxa ayna ku tilmaantay dhayalsiga Laascaanood, iyadoo farriin u dirtay Somaliland.

Warsaxafadeed ka soo baxay Wasaaradda arimaha Gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in in kabadan laba bilood uu magaalada Laascaanood ka socdo dagaal xasuuq ah, kaas oo sababay barakaca in ka badan 200 oo kun oo shacab, Dhimasho, Dhaawac iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh.

Warka ayaa lagu sheegay in baahida ugu weyn ee hadda Laascaanood ka jirta ay tahay sidii gurmad deg deg ah oo bini’aadantinimo loo gaarsiin lahaa dadka  Colaaddu waxyeelaysay iyo in ciidamada duulaanka ah magaalada looga dulqaadi lahaa.

Sidoo kale Warsaxafadeed ayaa lagu yiri “Waxaa la yaab noqotay in Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu si lama filaan ah 01 April 2023 Cabdikariin Xuseen Guuleed ugu magacaabo waxa uu ugu yeeray “Ergayga wada hadalada Somaliland”.

Haddaba, sidee loo akhrin karaa, maxayse ka dhigantahay magacaabidda Cabdikariin Guuleed?

Illaa lix qodob oo ay ku jiraan baaqa ku socda Somaliland ayaa lagu xusay Warsaxafadeed ka soo baxay Wasaaradda arimaha Gudaha Puntland kuwaas oo kala ah:

1) Waxaa loo akhrin karaa marin-habaabin qorshaysan oo lagu deg degay si indhaha dadka Soomaalida ah iyo kuwa Beesha Caalamkaba looga jeedinayo Colaadda iyo xasuuqa dadka Reer Laascaanood, culayskana looga dulqaadayo Muuse Biixi iyo gabood falkiisa.

2) Dhayalsi iyo hoos u dhig baaxadda culayska mushkiladda maanta Laascaanood ka taagan iyo gudasho la’aanta waajibaadkeeda Dastuuriga ah ee difaacda shacabka Gobolka Sool.

3) Waxay muujiinaysaa wewel iyo shaki in aan   Dowladda Federaalka ahi garsoore iyo dhex-dhexaad ka noqon karin colaadda Laascaanood iyo qadiyadda la isku hayo, madaama ay aragti gaar ah ka leedahay in Gobolada Sool iyo Sanaag ay qayb ka yihiin Somaliland, sida ka muuqata qoraalka magacaabista. Arrintaani waxay dhinac marsantahay tabashooyinkii dheeraa ee dadka Reer Sool iyo go’aankoodi ay ku caddeeyeen in aysan qayb ka ahayn Somaliland. 

Waxay kaloo dhinac marsan tahay in Gobolada Sool iyo Sanaag ay Puntland wax ka dhisteen oo Dastuur ahaan iyo wax qaybsi ahaanba uga midyihiin.

Haddaba, waxaan ugu baaqaynaa xukuumadda Dowladda Federaalka ah in aysan dhinac u xaglin ugana darin xaaladda murugsan ee ka taagan magaalada Laascaanood iyo Gobolada SSC.

4) Hadalada dhiilada leh ee kasoo yeeraya qaar ka mid ah Madaxda sare ee Dawladda Federaalka ah iyo eedaynta gardarrada ah ee dusha laga saarayo hoggaanka dhaqanka Gobolada SSC inay iyagu ka dambeeyaan dhibtaada Laascaanood waa in la joojiyaa, raali gelinna laga bixiyo.

5) Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa xukuumadda Somaliland in ay ciidamadeeda kala baxdo Gobolka Sool si nabad loo helo, dadka Reer SSC-na loo ogolaado in ay aayahooda go’aan ka gaaraan iyagoo xor ah.

6) Waxaan ugu baaqaynaa dadka soomaalida ah, gaar ahaan shacabka Reer Puntland iyo Beesha caalamkaba in ay laban-laabaan gurmadka iyo dadaalada bini’aadantinomo ee lagu garab isataayo dadka ku wax yeeloobay colaadda magaalada Laascaanood iyo deegaanada hoos taga ee Gobolka Sool.

Horseed Media